Tartan Dhaqameedka Jaamacada Bariga Africa Garowe (Dhegayso)

Tartan Dhaqameedka Jaamacada Bariga Africa Garowe (Dhegayso)

Bandhigan oo ahaa mid dhaqameed oo ay ku tartamayeen Ardayda jaamacada africa isla markaana Astaanta barnamajka ay ahayd “Hibo iyo Hal-abuur” ayaa waxaa kaso qaybgalay abwaano masuuliyin iyo sidoo kale maamulka jaamacada Bariga Africa Garoowe (EAU Garoowe).

Ardayda ayaa kuso bandhigay goobta gabayo, maansooyin, geeraar, buraanbur, iyo sidoo kale arrimaha dhaqanka, waxaana tartankaas qiimayn ku samaynayeey abwaano uu kamid aha Abwaan Shube.

Abwaan Shube oo ka mid ahaa abwaanadii ka soo qaybgalay bandhigga tartanka dhaqanka ayaa goobta ka hadlay, isaga oo ka sheekeyeey dhaqankeena iyo heraarkii kala duwanaa ee uu soo maray.

Qaar kamid ah ardaydii ku soo badhigtay goobta gabayada ayaa iyana soo bandhigay gabayo xambaarsan xaalada ka jirta Soomaaliya iyo khataraha tahriibta.

intaas kaddib waxaa abawanada goobta ku sugnaa ee qiimaynayeey tartanka ku dhawaqeen xilliga lagu dhawaqayo natiijada, taas oo gudiggu sheegay in ardayda ku guulaystay tartanka dhaqankeena lagu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

Gudoomiye kuxigeenka Jaamacada Bariga Africa, Cabdiraxman Macallin Ibraahim, ayaa ugu dambeyntii madasha bandhiga tartan dhaqameedka ardayda Jaamacada Bariga Africa ka hadlay, waxaana noo haya Maxamed Lakiman.

Hoos ka dhegayso

Masawiro – Xuquuqdu waa Maxamed Lakiman iyo Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com