Dooni ka shiraacatay Afgooye oo ku dagtay Wabiga Shabelle

Dooni ka shiraacatay Afgooye oo ku dagtay Wabiga Shabelle

Dooni ka shiraacatay Wabiga Shabeelle ee Afgooye ayaa ku dagtay gobolka Shabeelada hoose, waxaana ku geeriyooday todobo qof.

Wararka ayaa sheegaya doonida in markii hore ay la socdeen labaatan qof oo badankoodu soo badbaadeen.

Doonida ayaa ku sii jeeday deegaanad Qoryooley iyo Janaale oo uu dhaco wabiga Shabeelle.

Shacabka gobolka Shabeelada hoose ayaa dhowaan bilaabay inay ku safraan doonyaha, kadib markii ay waddada gobolka ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com