Taliyaha Ciidamada Howlgalinta oo booqday deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo (sawiro)

Taliyaha Ciidamada Howlgalinta oo booqday deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo (sawiro)

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay degaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa tagay sidoo kale degaano dhowr ah oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaasoo ay saameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid  ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidanka goobaha ciidamada xoogga dalka kala waregeen Al-Shabaab.

General Maxamed  Sheekh Madoowe Taliyaha ayaa duleedka Degaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Hogaanka Howlgalinta Ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa Ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaacooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com