Dood cilmiyeed: Sidee baa maamulka iyo bulshadu u wada shaqeyn karaan? (Akhriso+Sawirro)

HomeWararka

Dood cilmiyeed: Sidee baa maamulka iyo bulshadu u wada shaqeyn karaan? (Akhriso+Sawirro)

Xarunta Cilmi-baadhista iyo horumarinta ee HADAF iyo Warbaahinta DALJIR ayaa wada qabtay dood cinwaankeedu aheyd "Sidee baa maamulka iyo bulshadu u wa

Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay hub
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso/daawo)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 55aad – maqal & muuqaal)

Xarunta Cilmi-baadhista iyo horumarinta ee HADAF iyo Warbaahinta DALJIR ayaa wada qabtay dood cinwaankeedu aheyd “Sidee baa maamulka iyo bulshadu u wada shaqeyn karaan?.

Dooda oo dadweyne fara badan ka soo qayb galeen waxa habka fogaan araga kaga soo qayb galay Wasiirka arimaha gudaha Puntland Maxamed C/rixman Dhabancad iyo qurbajoog.

Waxa madasha dooda ka dhaceysay fadhiyey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali, Guddoomiye ku xigeenka degmada Badhan Xaawo Maxamuud Faarax (Dable), Taliyaha Xasilinta degmada Ismaaciil Salaad Axmed, guddoomiyaha guddida bulshada rayidka ah C/casiis Axmed Saalax, Isu-duwayaasha Wasaaradaha Haweenka iyo Shaqaalaha, Aqoonyahano, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo akhyaar kale oo badan.

Kulanku intuu socday waxa logu gorfeeyey waxyaalaha bulshada kawada shaqeyn karaan, caqabadaha ka jira wada shaqeynta, sidii looga gudbi lahaa, kaalinta dowladda ee xalinta tabashada bulshada iyo qodobo kale oo fara badan.
Barnaamijka oo dhameystiran waxan idinla wadaagi doonaa -inshalaah- dhawaan, waxa kale oo rajeyneynaa in qoraal arinkaas lagu lafa gurayo aan ka sameyno.

Sawirro.





COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0