Diyaarad ku Burburtay Guri Ku Yaal Magaalada Milan ee Dalka Talyaaniga

Diyaarad  ku Burburtay Guri Ku Yaal Magaalada Milan ee Dalka Talyaaniga

Diyaarad khaas ah ayaa ku dhacday guri ku yaal magaalada Milano ee waqooyiga Talyaaniga, waxaana ku dhintay dhammaan sideeddii qof ee saarnaa diyaarada.

Diyaaradda oo ku sii jeeday jasiiradda Sardinia, ayaa soo dhacday waxyar ka dib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Linate ee magaalada Milan.

Duuliyuhu wuxuu ahaa bilyaneerka reer Romania Dan Petrescu, oo 68 jir ahaa.
Petrescu, oo ah mulkiilaha guryaha, wuxuu ka mid ahaa dadka ugu taajirsan dalka Romania. Ka sokow isaga, xaaskiisa iyo wiilkooda oo 30 jir ah ayaa ku dhintey shilkan,sidoo kale ilmo yar ayaa la soo sheegayaa inuu ka mid yahay dadka shilka ku dhintey.

Shilka ayaa gubay xayndaabkii xafiiska iyo dhowr baabuur oo taagnaa. Ma jirto cid dhulka joogtay xilliga ay soo dhacaysay diyaaradda. Maamulka Milan ayaa sheegay inay bilaabayaan baaritaan ku saabsan waxa sababay shilka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com