Madaxweyne Farmaajo oo Addisababa gaaray iyo Ebiya Axmed oo aan ugu tagin garoonka

Madaxweyna muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya.
Booqashada madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haysa ka qaybgalka dib u caleemosaaridda R/wasaare Abiye Axmed oo maanta loo dhaariyey R/wasaaraha cusub ee Itoobiya muddo 5 sano ah.

Inkasta oo safar madaxweyne Farmaajo uu salka ku hayo dib u doorashada Abiye Axmed, haddana maanta kama uusan mid ahayn madaxdii dawladeed ee garoonka Addisababa ku soo dhaweysay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, loomana samayn maamuuskii soodhaweyneed ee heer madaxweyne ah sababi sidii la doonaba ha noqotee.

Madaxda dawladda Itoobiya ee soo dhaweysay maanta waftiga madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo waxay ahaayeen heer wasiir, waxaana aad loo arkayey wasiirka wasaaradda maaliyadda Itoobiya Axmed Shire oo qaabilayey madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka iyo fadhiyo ka dambeeyeyba.

Ma ahan markii koowaad oo madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu tago dalka Itoobiyaha muddadii uu madaxweynaha ahaa, hase ahaatee qaabilaadihii hore waa ay ka duwanaayeen sida maanta, markastana waxaa garoonka ku soo dhaweynaye R/wasaare Abiye Axmed, doorkanse taasi ma dhicin, inkasta oo marxaladuhu kala duwanaayeen, maantana ay tahay maalin uu dhammaaday cimrigii sharci ee xillhaynta madaxweyne Farmaajo, halka Abiye Axmed na mar kale dib loo doortay, maantana ay u bilaabatay muddo sharci oo 5 sannadood ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com