Dilal loo gaystay laba Ruux oo Soomaali ah oo kadhacay London

HomeWararka

Dilal loo gaystay laba Ruux oo Soomaali ah oo kadhacay London

Wargeyska The Evening Standard ee ka so obaxa dalka Britain ayaa qoray in Marxuumiinta Soomaalida ee la dilay lagu kala magacaabo jirey Osman Shidane

Wasiirka Ganacsiga DFS: “Haddi aan fursad u helo waxaan qoran lahaa dadka igu haybta ah”
Guddiga doorashooyinka Puntland oo la kulmay ururada bulshada (dhegayso)
Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin? Akhriso)

Wargeyska The Evening Standard ee ka so obaxa dalka Britain ayaa qoray in Marxuumiinta Soomaalida ee la dilay lagu kala magacaabo jirey Osman Shidane oo 20-jir ah iyo C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah.

Qoyska uu ka baxay Osman Shidane ayaa sheegay inuu dilkiisa ka mid ahaa 3 qof oo 72-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay Waddooyinka London.

Osman Shidane ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka, 3 maalin kadib, markii ay kooxo aan la aqoonin ku dhaawaceen meel ku dhow Dhismaha laga Dukaamaysto ee ku yaalla RUISLIP.

Marxuumka oo ay Waalidkiisu Soomaali yihiin waxa u uku dhashay dalka Denmark, wuxuuna magaalladda London ku noolaa muddo 15-sanno.

Dhinaca kale, Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah ayaa maydkiisa la helay, iyadoo ay dhaawacyo Tooreey ku yaallaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: