Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin? Akhriso)

Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin? Akhriso)

Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa xalay kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa yimid kadib markii uu Fahad Yaasiin uu la xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday inay is arakaan oo uu hoygiisa ugu imaan doono, si uu ula fariisto, taasna uu ka aqbalay Shariifka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan oo bilowday abaarihii 1-da habeennimo ee saq dhexe ayaa qaatay ku dhowaad 40-daqiiqo, waxaana uu ahaa mid looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, dhacdooyinkii is xigay ee maalmihii la soo dhaafay dhacay ee sababay in xiisada siyaasadeed ee dalka ay cirka isku shareerto, kaddib hadalkii kululaa ee Sheekh Shariif.

Waxaa laga wadahadlay in laga wada hadlay in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed, wada hadalo ka dhex bilowda dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, isla markaana uu codsaday Fahad Yaasiin in ay is arkaan Madasha Xisbiyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu u muuqday nin ergo buuxda ka ahaa dowladdaa, maadaama uu keligiis u tagay Shariifka, kulan labadooda dhex maray aanay cidna ku wehlin, waxaana inta badan dhanka Fahad ka soo baxayay in xaalada la dejiyo, isla markaana u caddeeyay inuu ka xun yahay waxyaabihii dhacay, diyaar u yihiin in laga xaaltamo.

Kulanka xalay ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii la soo dhaafay ay jireen hadal heyn kala duwan oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyo iyo abaabulka bannaan baxyo la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegayo in dowladda uu aad walwal badan uga haayo bannaan baxyadaas.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com