Booliska Somaliland oo Hargaysa ku xiray rag sameeya baasboorka Soomaaliya

Booliska Somaliland oo Hargaysa ku xiray rag sameeya baasboorka Soomaaliya

Ciidamada booliska ee magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa qabtay shan ruux oo lagu soo eedeeyey inay si dhuumaalaysi ah ku samaynayeen baasboorka Soomaaliya, kadib howlgal ay ciidamadu fuliyeen.

Howlgalka ayaa kadhacay xaafadda Ibraahim Koodh-buur ee magaalada Hargaysa.

Somaliland horay ayaa waxaa looga mamnuucay in lagu sameeyo baasboorka Soomaaliya, balse shacabka deegaanadaasi ayaa baasboorka badankooda usoo doonta magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com