dib u dhis lagu waddo Xarunta Golaha shacabka Muqdisho (Sawiro)

HomeWararka

dib u dhis lagu waddo Xarunta Golaha shacabka Muqdisho (Sawiro)

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa alagu billaabay dib u dhis kaddib markii firtaanka dib u dhiska xarunta uu furay Guddoomiyaha

Mareykanka oo lacag ugu deeqay Abaarta kajirta Soomaaliya
Guddiga ka hortagga Covid19 oo ka shiray xakameynta bulshada ee dabaal degga Maalmaha Ciidda
Mareykanka oo dalkiisa ka eryay 21 Askari oo Sacuudi ah

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa alagu billaabay dib u dhis kaddib markii firtaanka dib u dhiska xarunta uu furay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.C/raaxmaan.

Guddoomiye Mursal ayaa Injineerrada dhisaya xarunta ka dalbaday in ay dedejiyaan dhismaha xarunta Golaha shacabka islamarkaana ay ku dhameeyaan waqtiga ku qoran in la dhameystiro.

Maxamed Mursal waxaa uu madasha ka sheegay in Xubnaha Golaha shacabka ay si kumeel gaar ah ugu sii shaqeyn doonaan xarunta Guddiyada joogtada ah ee Villa Hargeysa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka,waxaana ay ka wada hadleen sidee ay Guddiyada ula shaqeyn lahaayeen Guddoomiyaha cusub.

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa xubnaha maanta uu la kulmay,waxaana ay ka wada hadleen wada shaqeynta Guddoonka cusub iyo Guddiyada joogtada ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: