Dhismaha waddada laamiga ah ee  degmada Jariiban oo meel wanaagsan maraysa (Sawiro)

HomeWararka

Dhismaha waddada laamiga ah ee degmada Jariiban oo meel wanaagsan maraysa (Sawiro)

Waddo laami ah oo dhismeheedu uu dhanyahay 1.KM iyo 400 Metir  ayaa ka socota degmada Jariiban ee gobolka Mudug, taasoo lagu maalgalinayo Mashruuca Ho

Gorma laga qabanaya Shirweynaha dib u heshiinta Galmudug? (Daawo)
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Boosaaso (dhegayso)

Waddo laami ah oo dhismeheedu uu dhanyahay 1.KM iyo 400 Metir  ayaa ka socota degmada Jariiban ee gobolka Mudug, taasoo lagu maalgalinayo Mashruuca Hormarinta Degmooyinka Puntland ee GPLG.

Shirkadda Kebarko oo dhismaha laamigan gacanta ku haysa ayaa sheegtay muddo dhowr beri gudahood in ay kusoo Afjaridoonaan dhismaha wadadan, waxaana sidoo kale shirkadu ay si bilaash ah ugu dartay shaqadii ay ka waday degmada Jariiban waddo Carakaabo ah 220 Metir ah.

Faysal Xassan Yacquub (Faysal Babaraqiis) oo kamid ah owlwadeenada shirkada ayaa wuxa uu sheegay in uu gabo gabo ku dhawyahay Mashruuca GPLGga ee lagu hormarinayo degmada Jariiban.

Radio Daljir oo u kuur gashay shaqadan ka socota waddadan ayaa waxa uu idila wadaagayaa sawiradan hoose.

 

 

 

 

 

 

 

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0