HomeUncategorized

Dhaq-dhaqaaqa Duulimaadyada garoonka Aadan Cadde Aira Port oo sii kordhaya (Sawiro)

Muqdisho,02 June 2013 Mudo dheer ka dib waxaa dib u soo laabtay shaqo badan iyo mashquul laga dareemayo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka Puntland oo ka warbixiyey safar dibadda ah oo uu ka soo laabtay.
Puntland oo qalabka xiriirka badda iyo kaarar aqoonsi siinaysa Kalluumaysatada xeebaha (Dhegeyso)
DHEGEYSO-Jubbaland oo maamul cusub u magacawday degmada Luuq.

Muqdisho,02 June 2013 Mudo dheer ka dib waxaa dib u soo laabtay shaqo badan iyo mashquul? laga dareemayo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Aira Port.

Garroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Aadan Cadde Aira ?Port ayaa ka mid ah garoomada ugu waa wayn dalka Soomaaliya kaas oo xiligaan laga dareemayo mashuul iyo dhaq-dhaqaaq shaqo oo aan horay loogu arag mudo ka badan 20? sano.

?Diyaaraha soo fariista iyo kuwa ka duula garoonka ayaa waxaa ay iskugu jiraan noocyada dadka qaada,kuwa allabta keena iyo kuwa Ha?adaha qaramada midoobey ay leeyihiin,garoonka ayaa mudooyinkii danba waxaa si wayn looga dareemayaa duulimaadyada kala duwan kuwaas oo ay? ay ?samaynayaan diyaarado baddan oo ka kala imaanaya waddamada caalamka iyo gobolada kale ee dalka.

Inkastoo garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde Aira Port uusan lahayn adeegyo badan oo laga helo ?garoomada ku yaal Caasimadaha Geeska Africa ayaa hadana waxaa si wayn bulshada Soomaaliyeed ugu riyaaqeen dib u soo kabashada iyo dhaq dhaqaaqa laga dareemayo mudooyinkaan danbe.

Garoonka magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Aira Port ayaa xiligaan ah midka ugu dhaq-dhaqaaqa badan garoomada ku yaaal gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo guud ahaan magaalada Muqdhisho laga dareemayo dib u soo kabasho dhinacyo badan leh waxana magaalada dib ugu soo laabtay dad badan oo ka maqnaa mudo ka badan 20 sano kuwaas oo iskugu jira dad ka yimid waddamada caalamka iyo qaar ka yimdi ?gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

r\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

C/raxmaan Xuseen Xasan (Gaardi)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: