DHEGEYSO-Jubbaland oo maamul cusub u magacawday degmada Luuq.

Luuq, Aug 14 2016-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Maamulkii Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana uu magacaabay Maamul cusub.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale lagu magacaabay ku xigeenka Guddoomiyaha Degmada Luuq oo laga dhigay Cabdi Ibraahin, halka Diiriye Aadan Dacar laga dhigay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee degmada, iyadoo Bishaar Xasan Cali laga dhigay Xoghayaha degmada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com