Dhalinyaro Shirweyne Wadatashi ah uga Furmay Magaaladda Gaalkcyo (Sawiro)

HomeWararka

Dhalinyaro Shirweyne Wadatashi ah uga Furmay Magaaladda Gaalkcyo (Sawiro)

Gaalkcayo Maanta waxaa ka Furmay Shirweyne dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland Munaasabadda waxaa ka qayb galay Masuuliyiin ay kamid yihiin Duqa d

Warka Fiidnimo iyo Saynab Cabdinuur Daljir Bosaaso (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda somaaliya oo ka walacsan cudurka Ebola (Daawo)

Gaalkcayo Maanta waxaa ka Furmay Shirweyne dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland Munaasabadda waxaa ka qayb galay Masuuliyiin ay kamid yihiin Duqa degmada Gaalkacyo gudoomiyaha gobolka Mudug Isimo iyo marti sharaf kale.

Waxaa goobta ka hadlay ugu horeyntii Duqa degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa sheegay inay dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaana kuwa Puntland ay dhisi karaan dalkooda isla markaana xiligan ay ka muuqato dadaal waxqabad ayna tahay in lagu dhiiri galiyo.

dhinaca kale Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif ayaa dhankiisa wuxuu sheegay dawlada Hore ee Soomaaliya inay Bur-Buriyeen dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana kuwii dhisi lahaa ay yihiin dhalinyarada xiligan ku hawlan bilic soo celinta degmooyinka Puntland.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka kala socotay Gobaladda Puntland oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in habeen iyo maalin diyaar u yihiin sidi ay uga qayb qadan lahayeen hormarka dalkooda.

Daawo sawiradda

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: