HomeUncategorized

Dhalinyaro la waayay oo la sheegay in ay Al-shabaab ku Biireen

Somalia, December 02, 2015-(Daljir)_ Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in inta badan Dhallinyaradaasi oo Arday ahaa la waayey, kadib, markii lagu tashkiiliyey inay ka mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

DHEGEYSO-Wajiga 2aad ee tirakoobka shaqaalaha Puntland oo la daahfuray
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Cabdifataax Cumar Geeddi.
“Cidda keliya ee hub qaadan kartaa waa ciidanka qalabka sida ee dawlada” wasiirka amniga Puntland.

Somalia, December 02, 2015-(Daljir)_ Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in inta badan Dhallinyaradaasi oo Arday ahaa la waayey, kadib, markii lagu tashkiiliyey inay ka mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxa uu ka soo xigtay Hay’addaha Ammaanka inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo xaqiijinayo in aysan Alshabaab ka qoranin dhallinyarro Deegaannadda ay Muslimiinta ku badan yihiin sida Mandera, Garissa, Wajer, Mombasa, Isiolo iyo Marasabit, balse ay haatan bilaabeen inay dad ka qortaan Deegaano kale.

Meelaha cusub ee la tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah magaallooyinka Eldoret, Nakuru, Kisumu, Busia, Kakamega iyo magaallooyin kale oo waa weyn.

Boliska Kenya waxay horey u shaaceen Rag lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Dhallinyarada muuqooda la waayo, lana sheego inay ku biiraan Alshabaab.

Boliska waxay dhowr jeer carabaabin rag lagu kala magacaabo Abdifatah Abuubakar Ahmed iyo Ahmed Iman Ali.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray in Wararka dhinaca Sirdoonka sheegayaan in dadka Alshabaab u qora Dhallinyaradda ku sugan gudaha Kenya ay isticmaalaan Xayeysin culus ee dhinaca Online-ka iyo Warbaahinta Caadiga, iyagoo Dhallinyarradda u sameeya Ballanqaadyo la xiriira in laga bixin karo kharajka Jamaacado ku yaalla Somalia iyo dalalka Bariga Dhexe, waa sida uu Wargeysku qoray.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: