HomeUncategorized

Qaramada Midoobay oo Shaacisay tirada ku barakacday Colaadihii Gaalkacyo

Somalia, December 02, 2015-(Daljir)_ Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA) ayaa sheegay in dagaalkii horraantii toddobaadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu sababay barakaca ku dhowaad 40,000 oo qof.

DHAGAYSO:Marti-soor oo uu Marti-ku yahay Madaxweynaha Khaatumo
Idaacadda Daljir oo la guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaal marin kale. [Akhris …]
DHEGEYSO-Barnaamijka Caawa iyo Daljir iyo Maxamed Cabdullahi Cali Kooshin.

Somalia, December 02, 2015-(Daljir)_ Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadannimada (OCHA) ayaa sheegay in dagaalkii horraantii toddobaadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu sababay barakaca ku dhowaad 40,000 oo qof.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in dad gaaraya 30 qof ay ku dhinteen iska horimaadka hubeysnaa.

Wuuxu sheegay in hay’ado ku sugan gobolka ay billaabeen inay gargaar u fidiyaan qaar ka mid ah dadka barakacay.
Iska horimaadka Gaalkacyo oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland ayaa sababay in badi dadka ku noolaa magaaladaasi ay barakacaan iyagoo ka cabsanayay in lagu dul dagaallamo.

Dujarric ayaa sheegay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ay si ku-meel-gaar ah uga guureen magaalada dagaalka dartiis, arrintaas ayuuna sheegay inay keentay hakad ku yimid adeegyadii aasaasiga ee hay’adaha samafalka ay u fidin jireen bulshooyinka tabaaleysan ee gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

OCHA aya ka digtay in baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya ay wali yihiin kuwo baaxaddoodu wayn tahay iyadoo dad lagu qiyaasay 4.9 miliyan ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo halka 1.1 ay ku barakacsan yihiin gudaha dalka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: