Dhalinyaradda Puntland oo ka hadlay Hiigsiga Murrshariixinta tartamaya (dhegayso)

HomeWararka

Dhalinyaradda Puntland oo ka hadlay Hiigsiga Murrshariixinta tartamaya (dhegayso)

Ololaha doorashada madaxtinimada ee Dawladda Puntland ayaa guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka laga dareemayaa, walow aanay u qabsoomeynin Doorashadu

Saaka & Dunida iyo Xasan heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Deegaanada Puntland oo kala baranaya sida loo ilaaliyo deegaanka (Dhegayso)
Imaaraatka Carabta oo deeq raashiin soo gaarsiiyay Puntland (sawiro)

Ololaha doorashada madaxtinimada ee Dawladda Puntland ayaa guud ahaan Gobollada iyo Degmooyinka laga dareemayaa, walow aanay u qabsoomeynin Doorashadu hannanka qof iyo codka ah.

Doorashadan ayaa waxaa ay ka duwan tahay kuwii ka horeyay marka loo eego tirrada musharrixiinta oo aad u badan waxaana sidoo kale waxaa xiiso weyn u yeelaya isu soo baxyada siyaasadeed ee loo sameynayo musharraxiinta kala duwan.

Boqollaal qof ayaa maalin walba lagu arkaa fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Puntland si ay u dhageystaan, sidoo kalena u fahmaan qorshaha musharrax walba uu u soo bandhigayo.

Waxaa kale oo meesha aan ka marnayn gaadiid cod-baahiyeyaal ay ku xiran yihiin oo sii deynaya heeso lagu amaanayo musharraxa markaasi la soo dhoweynayo.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in goobaha shaaha lagu cabo lagu arkayo dhallinyaro kala taageersan musharraxiinta oo doonaya inay dadka ka dhaadhiciyaan musharraxa ay doonayaan inuu kursiga qabto.

Haddaba Cali Ducaale iyo Aden Cabdiraxmaan Aden “Aden Mashruuc “oo kamid ah dhallinyarada ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxaa ay rayigooda ka dhiibteen musharrax ay Puntland xilligaan u baahan-tahay iyo astamaha looga baahan-yahay inuu yeesho .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: