Deegaanada Puntland oo kala baranaya sida loo ilaaliyo deegaanka (Dhegayso)

Wasaarada deegaanka, beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland ayaa safar aqoon kala kororsi ah u geysey deegaano ka tirsan, Bari, Nugaal iyo Haylan ee Puntland xubno ka socda deegaanada, Jalam, Xarfo iyo Burtinle ee gobolada Mudug iyo Nugaal.

Safarkan oo qaatay mudo 7’aad ah ayaa wasaaradu doonaysaa in deegaanada la booqday laga barto sida ay ugu guuleysteen ilaalinta dhirta, daaqa iyo duurjoogta. iyadoo deegaanadaasi ahaayeen kuwo ku guulaystey ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.

Degmooyinka, Eyl, Dhahay iyo deegaanada dhaca dooxada dharoor ayay booqdeen xubnahan ka socdey deegaanada la doonayo inay wax ka bartaan deegaanadan ku guulaystey ilaalinta deegaanka.

Wasiirku xigeenka wasaarada deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada ee Puntland mudane Maxamed Xasan Ciise ayaa hogaaminayey safarkan oo ay ka qayb qaateen xubno isugu jira, odayaal, dhalinyaro iyo haween laga soo xulay Jalam, Xarfo iyo Burtinle, xubnaha safarkan ka qayb qaatay ayaa ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey deegaanadii ay booqdeen.

Wasiirku xigeenka wasaarada deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada ee Puntland mudane Maxamed Xasan Ciise ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada laga leeyahay safarada noocan ah.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com