Dhakhtarkii ka digay khatarta Coronavirus oo Geeriyooday

HomeWararka

Dhakhtarkii ka digay khatarta Coronavirus oo Geeriyooday

Dhakhtar u dhashay dalka Shiine oo la tacaalayey samata bixinta dadka qaba caabuqa coronavirus ayaa markii dambe u geeriyooday cudurkaasi. Dhakhtar

Ciidanka Booliska Kenya oo qabtay mid ka mid ah kooxdii afduubatay Xafsa
Garowe oo lagu soo Gabagabeyeey Shir looga hadlayeey Kaluumaysiga (dhegayso)
Korneel Gebre, sirdoonkii sare ee Itoobiya u joogay Soomaaliya, oo la ruqseeyey lana raadinayo

Dhakhtar u dhashay dalka Shiine oo la tacaalayey samata bixinta dadka qaba caabuqa coronavirus ayaa markii dambe u geeriyooday cudurkaasi.

Dhakhtarka ayaa lagu magacaaba Li Wenliang, waana dhakhtarkii ugu horeeyey ee ka digay khatarta caabuqa coronavirus bishii December ee sanadkii 2019.

Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howl galeysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, iyadoo asxaabtiisa uga digay khatarta cudurkaasi,

Coronavirus ayaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 560 ruux, wuxuuna soo ritay dad kor u dhaafaya 28,000 oo reer Shiine ah.

Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas’uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub.

Li Wenliang ayey dowladda Shiine ku tilmaamtay halyeey qaran.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: