HomeUncategorized

DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Maanta Dhagax- Dhigay Dhismayaal waxtar u leh Bulshada

Garowe, 23, Febru, 2016 -(Daljir)_Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta dhagax dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool.

Afhayeenka ciidanka Somaliya oo sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn dagaalada ka socda Muqdisho.
Innaa Lillaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun – Tacsi: Marxuum Siciid Maxamuud X. Jaamac.
Madaxweynaha Soomaaliya oo kahadlay ammaanka doorashada dalka ee 2016.
Garowe, 23, Febru, 2016 -(Daljir)_Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta dhagax dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool.
 
Munaasabadda dhagax dhigga buundada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Hay’adda Waddooyinka Puntland ee Nesha, saraakiil ka socota Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Dadweynaha Deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe.
 
Buundadan uu dhagax dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa waxaa  bar-bar  socdey Dayactir lagu samaynayo labo meelood oo  kamid ah  waddada laamiga ah oo mid kamid ahi ay gaareyso 660mitir halka midda kale ay gaareyso 180mitir  gaar ahaan inta u dhexaysa Fallaydhyaale iyo God-qaboobe oo uu soo gaadhey burbur aad u daran, kaas  oo gaarey in waddadii laamiga ahayd ay kasoo hadho hal seed ama hal haad oo keliya, isla markaaana sababay shilal kala duwan.
 
Halkan ka Dhagayso hadalka Madaxweynaha  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: