HomeUncategorized

DHAGEYSO: Shacabka Boosaaso oo Cabasho muujiyey

Boosaaso May 4, 2016 Shacabka magaalada Boosaaso ayaa cabasho ka muujiyey qiimaha cuntada oo kor u socda & Sarifka lacagaha qalaad, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin talaabadan.

Soddomeeyo dhallinyaro ah oo maalintii labaad tababar uga socdo Garowe.
Dagaal dad badani ku dhintay oo maanta ka dhacay Galkacyo & xaaladda oo hadda deggan.
Wasiirka waxbarshada Dowladda faderaalka oo sheegay dowladda Kuweit inay ka heleen balan qaad waxbarsho

Boosaaso May 4, 2016 Shacabka magaalada Boosaaso ayaa cabasho ka muujiyey qiimaha cuntada oo kor u socda & Sarifka lacagaha qalaad, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin talaabadan.

Haweenka ka ganacsada Suuqa magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay wax kasta ka tagen meeshii ay joogeen, isla markaasna hadda xaaladu tahay mid culus.

Ganacsatada yar yar ayaa ugu baaqay dawladda Puntland in ay wax ka qabato arrimahan, waxaana sarifka qiimaha Dollarku uu markii ugu horeysay 7-dii sanno ee lasoo dhaafay sarre u kacay.

Sariflayaasha ayaa sheegay in lacago cusub oo la daabacay & lacagta Shilingka oo la waayey ay sababtay in sarre u kacaan qiimaha Cuntada daruuriga ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: