HomeUncategorized

Wasiirka waxbarshada Dowladda faderaalka oo sheegay dowladda Kuweit inay ka heleen balan qaad waxbarsho

Muqdisho, May 16 - Wasiirka waxbarashada ee dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahiyay shir muhiimadiisu ay ahayd kor u qaadida waxbarshada.

Dawladda PuntLand oo gacantaa ku dhigtay sahay loo waday kooxda ka dagaalanta Galgala.
Al-shabaab oo Sheegatay Qarax Ay Seddex Qof ku Dhinteen oo Xamar ka Dhacay
Muhaajiriin Afrikan ah oo xalay ku dhintay xeebaha Lampedusa iyo gurmad loo fidiyey kuwa kale

Muqdisho, May 16 – Wasaaradda waxbarashada ee dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahiyay shir muhiimadiisu ay ahayd kor u qaadida waxbarshada oo uu kaga soo qabgalay dalka Kuweit oo dhowaan uu kasoo laabtay, kadib markii booqasho uu ku tagay.

Dr Axmed Ibraahim Caydiid wasiirka waxbarshada ee dowladda KMG ah ee Soomaaliy ayaa sheegay dowladda Kuweit inay balan qaaday tababaro inay u fidiso macalimiin Soomaaliyeed.

Waxaa uu wasiirku tilmaamay madaxda dowladda Kuweit inay u gudbiyeen baahiyo wasaaradiisu ay ka qabto dhinaca waxbarshada dalka, loona baahanyahay dowladda Kuweit inay Soomaaliya ka taageerto dib usoo celinta goobihii waxbarsho ee dalka.

Wasaaradda waxbarshada ee dowladda faderaalka ayaa xiriir wanaagsan la yeelatay wasaarado waxbarsho oo caalamka ku yaala, kuwaasi oo qaarkood fursado waxbarsho siiyay arday Soomaaliyeed, inkastoo ay weli jirto dhaliilo wasaaradda loogu jeedinayo qaabka ay u maaraysay deeqaha waxbarsho oo ay caalamka uu siiyo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: