HomeUncategorized

(DHAGEYSO) Madaxweyne Gaas oo tababar u soo xiray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyad

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7-April-2016-ka Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Tababar ugu soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada dawladda Puntland

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Tallman.
Khasaaraha weerarkii Mandheera oo kordhay iyo Alshabaab oo sheegatay.
Shir uu ka qaybgalay M/weyne ku xigeenka Puntland oo ka dhacay Bossaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 7-April-2016-ka Xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe Tababar ugu soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada dawladda Puntland oo muddo dhawr bilood ah ay tababarro uga socdeen labada xarumood ee Madaxtooyada ee magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada shaqadoodu kuma koobna ilaalinta Madaxtooyada oo keliya balse waxay qayb ka qaataan hawl-gallada deg-degga ah ee la faro in ay fuliyaan iyo sidoo kale in ay kaqayb qaataan dagaallada lagula jiro kooxaha sharwadayaasha Al-shabaab iyo cid kasta oo kusoo xad gudubta Puntland, waxaana ciidankaas oo aad u tiro badan saaka tababarka  loosoo xidhay  161-askari oo kamid ah ciidankaasi,  iyadoona uu ugu dambayntii Madaxweyne Gaas guddoonsiiyey shahaadooyin sharafyo qayb kamid ah ciidankaasi oo xilligii tababarku socdey muujiyey dedaal dheeraad ah.

Sidoo kale Munaasibadda Tababarka loogu soo xidhayey ciidanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle sare Abdirashiid Maxamuud Ashkir (Qodhob), Saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidanka iyo agaasimayaal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: