HomeUncategorized

DHAGEYSO: Banaanbax looga soo horjeedo Shabaab oo ka socda magaalada Burtinle

March 31 2016 Wararka naga soo gaaray magaalada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in ay banaanbaxyo ka socdaan gudaha magaaladaas, kuwaas oo looga soo horjeedo Ururka Al- Shabaab ,sidasna waxaa Radio Dahljir u sheegay Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Burtinle Siciid Cabdi Axmed.

Gaari hub u siday Al-shabaab oo lagu qabtay deegaanka Kalabaydh ee gobolka Hiiraan.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku heshiiyay sameynta guddi iskaashi oo heer wasiir ah
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Cumar Laki Man.

War hadda naga soo gaaray magaalada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in ay banaanbaxyo ka socdaan gudaha magaaladaas, kuwaas oo looga soo horjeedo Ururka Al- Shabaab ,sidasna waxaa Saxaafada u sheegay Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Burtinle Siciid Cabdi Axmed.

Taliyaha ayaa sheegay in ay dadweynaha iskugu soo baxay magaaladu ay cambaareynayaan falalka guracan ee kooxdaas, ayna sidaas oo kale ka xun yihiin dilkii Agaasimaha Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Siciid Cabdi wuxuu kaloo cadeeyey in ay ciidamada Amnigu si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka soo galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada, gaar ahaana baraha Kontoraalada oo uu sheegay in ay si xoog leh u baarayaan gaadiidka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: