HomeUncategorized

(Dhagayso) Warfidiyeennada Gobolka Bari oo ka cabanaya tacadiga ka dhan ah shaqadooda.

Boossaaso, August, 20, 2015 - Saxafiiyiinta iyo Xarumaha warbaahinta ee ka howgala magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari ayaa cabasho xoogan ka muujiyay handaado, cagojuglayn, Shaqo ka hor istaagid iyo iskudayo xarig oo maamulka gobolka bari uu kula kacay qaar ka tirsan suxufiyiinta Gobolka ka howlgala ,

Shacabka magaalada Garoowe oo soo dhaweeyay qabashada wajiga 2-aad ee shirka wadatashiga ee ka furmi doona Garowe.
DHEGEYSO-Tarxiil sugayaal Soomaali ah oo ku sugan dalka Maraykanka.
Nairobi: Saacadihii ugu dambeeyay shirka, is-mariwaa iyo xog qabyo ah oo ka soo baxaysa nuxurka war-murtiyeedka.

Boossaaso, August, 20, 2015 – Saxafiiyiinta iyo Xarumaha warbaahinta ee ka howgala magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari ayaa cabasho xoogan ka muujiyay handaado, cagojuglayn, Shaqo ka hor istaagid iyo iskudayo xarig  oo maamulka gobolka bari uu kula kacay qaar ka tirsan suxufiyiinta Gobolka ka howlgala ,

Kullan ballaaran oo dhacay magaalada magaalada oo ay ka qaybgaleen dhammaan suxufiyiinta gobolka bari iyo masuuliyiinta ururka suxufiyiinu  Puntland ee MAP ayaa lagu gorfeeyay xaaladda suxufiyiinta, hadadaadka iyo cagojuglaynta joogtada ah lagu hayo iyo waxyaabo ay suxufiyiintu u arkeen inay dhibaato ku tahay howlahooda, islamarkaana ka hor istaagaya shaqooyinkooda.

Guddoomiye K/xigeenka ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP Maxamed Axmed Welcome ayaa ku tilmaamay hanadadaada , Cagojuglaynta iyo iskuyada xarig ee maamulka gobolka bari uu kula kacayo Saxafiyiinta mid lidi ku ah jiritaanka iyo shaqada suxufiyiinta ka howlgala gobolka.

“ Waxaa jira handadaado iyo cagojuglayn si joogto ah uga imaanaya Maamulka gobolka ee uu hoggaamiyo Yuusuf Maxamed Wacays dhado,  Waxaa jiray in lagula kacay isku dayo xarig  ah wariyayaal ka howgala gobolka bari oo ugu dambeeyay Tifaftiraha mareegto Internetka ee Allcarmo Ibraahim siciid Saalax, , Ilaa iyo hadda ma garanayno wuxuu  u cuskaday xarigaags, Waxaanu ogaanay in xariga uu san ahayn xarig sharciga loo soo marayo, Waxaanuna u aragnaa wax dan kale laga leeyahay” ayuu yiri Guddoomiye K/xigeenka Ururka MAP.

Guddoomiye K/xigeenka ururka MAP Waxaa uu sheegay in Saxaafadu aysan u dulqaad dambe u yeelan doonin, islamarkaana ay u arkaan falalka lagu kacayo saxafiyiinta wax sharafdil ku ah mihnadooda saxafadeed,  

Kulanka Warbaahineedka ka dhacay gobolka bari, waxaa kaloo ka hadlay Wariye Axmed muuse Cali (Axmed jookar), Agaasimaha telefishanka Royal tv ee Gobolada Puntland, Waxaana uu ugu baaqay maamulka gobolka bari uu joojiyo handadaada iyo cagajuglaynta uu ku hayo Saxafiiyiinta

Gabagabadii kulanka,Saxafiiyiinta Gobolka iyo Masuuliyiinta Ururka MAP Waxay si wadajir ah baaq ugu direen Madaxda Sare ee Dowladda Puntland, Barlamaanka, Wasaarada Warfaafinta Puntland, Xafiiska u Adeegaha Xuquul insaanka Puntland iyo Hay’adaha ka shaqeeya Xuquuqul insaanka iyo u Qareemida Saxafiiyinta ,Waxayna ka codsadeen inay ka qaybqaataan sidii loo joojin lahaa Handadaada, Cagojuglaynta iyo iskudayada Xarig ee Maamulka gobolka Bari uu kula kacayo saxafiyiinta ka howlgala gobolka Bari.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir,

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: