Dhagayso Abwaan Shube oo ka warbixiyay Taariikhdii Marxuun Abwaan Cabdulqaadir Cali Cigaal

Garowe, 26 – July – 2016 – Dhagayso Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube ayaa waraysi uu siiyay Daljir waxaa uu kaga  warbixiyay Taariikhdii Marxuun Abwaan Cabdulqaadir Cali Cigaal, wuxuuna xaqiijiyay inuu ahaa tiir wayn oo u taagan raadinta nabada iyo xasiloonida dalka.

Abwaan Shube waxaa uu si qoto dheer uga warbixinayaa riwaayadii uu lahaa Marxuun Abwaan C/qaadir iyo waxyaabaha ay Soomaalidu ku xasuusan doonto.

Abwaan C/qaadir Cabdi Shube ayaa  Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas ka codsaday labo arrimood oo kale ah 1- In aan marxuun C/qaadir Cali Cigaal lagu aasin dalka India 2 – In loogu magac darro Meelaha muhiimka ah ee Puntland, maadaama uu magac kullahaa bulshada Soomaalida!

Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay wariye Kooshin Abwaan Shube

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com