DFSoo sheegtay in uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe

HomeWararka

DFSoo sheegtay in uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe

14-kii Bishii Octoober Maanta oo kale ayaa Gaari xamuul ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa auu qof ismiidaamiye ah isku qarxiyay isgoyska Soobe,

Wariye Cumar Dheere oo Maalinkii 4aad Xiran & Baaqa Saxaafadda Puntland (dhegayso)
Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo u jawaabay Madaxweyne Farmaajo
Doorashadda Galmudug oo Rajo wanaagsan laga muujiyeey (Daawo)

14-kii Bishii Octoober Maanta oo kale ayaa Gaari xamuul ah oo lagasoo buuxiyay waxyaabaha Qarxa auu qof ismiidaamiye ah isku qarxiyay isgoyska Soobe, oo ah goob mashquul badan, waxaana maanta qaraxaas kasoo wareegtay muddo Shan Sano.

Qaraxaas ayaa waxaa dad badan ay ku waayeen dadkoodii iyo hantidoodii, kuwa kalena illaa iyo maanta ayaysan kasoo kabanin waxyeeladiisii, waxaana ku dhintay in ka badan 600 oo qof, kumanaan kale ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa farriin kooban oo kasoo baxday ku sheegtay, in aan la iloobi doonin dadkii ku dhintay qarixii Soobe. Waxayna sheegtay inuu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkii ku dhintay qaraxaas.

‘Xuska 5 sano guurrada qaraxii argigixisada Al-Shabaab ee Zoobe October 14, 2017. Waxaa hubaal ah in aan la iloobi doonin dadkii ku waxyeeloobay iyada uu socdo kacdoon loogu aargudayo dadkeenii dhintay, laguna badbaadinayo inta nool,” ayay tidhi wasaaraddu.

Xuska sannadkan ayaa kusoo aaday, iyadoo markii ugu horraysay uu qeybo kamid ah dalka ka socdo howlgal ay shacabku ka qeyb qaadanayaan oo Shabaab lagula dagaalamayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0