DFSoo sheegtay in Al-Shabaab deegaano kala wareegeen

HomeWararka

DFSoo sheegtay in Al-Shabaab deegaano kala wareegeen

Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab ayaa waxaa dagaal culus uu ku dhex-maray degaanka abal oo qiyaastii 20 km dhank

Itoobiya oo ka hadashay rabshado kadhacay gobolka Amxaarada
Mareykanka oo 7 milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya, si looga hortago Coronavirus
kenya oo soo bandhigtay xarun lagu tababari jiray Alshabaab

Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab ayaa waxaa dagaal culus uu ku dhex-maray degaanka abal oo qiyaastii 20 km dhanka waqooyi kaga beegan degmada xudur ee Xarunta gobolka bakool.

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Ciidamada ay weerareen deegaanka Abal oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,isla markaana dileen 11 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fulinayay Ciidamada Dowladda gaar ahaan Guutada 9-aad qeybta 60-aad, waxaana taliyaha uu sheegay inay Ciidamada la wareegeen deegaanka Abal iyo deegaano kale.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka dhulka jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in ciidanka weli wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera waxaa ay ku daabaceen in dagaalkii ka dhacay deegaanka Abal ay ku dileen 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee gobolka Bakool naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada ay weli wadaan dhaq dhaqaayo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0