Mareykanka oo 7 milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya, si looga hortago Coronavirus

Mareykanka oo 7 milyan oo dollar ugu deeqay Soomaaliya, si looga hortago Coronavirus

Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo loogu talagalay wax ka qabashada iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan ku haaya fara ba’an, dad kumanaan ruux ay u geeriyoodeen.

Lacag gaareysa 274 Milyan oo gargaar degdeg ah iyo kaalmo bani’aadanimo ayuu Mareykanka ugu deeqay dalalka baahida weyn u qaba si ay ula tacaalaan cudurkan.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Soomaaliya ay lacagtaas ka heli doonto 7 milyan oo doollar.

Lacagtan ayaa lagu bixin doonaa arrimaha caafimaadka iyo biyaha, si wax looga qabto, waana kaalmadii u horeysay ee Mareykanka u balan-qaada Soomaaliya, kaddib uu caalamka ka dilaacay cudurka saf marka noqday ee Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dalbatay lacag gaareysa 5-milyan oo dollar, si wax looga qabto cudurka Coronavirus, waxaana dowladdu ku dhawaaqday illaa saddex kiis oo cudurka, kaasoo mid ka mid ah markii dambe labo baaritaan isku xiga oo la marsiiyay, isla markaana 14 maalmood meel ku karantiilnaa laga waayay cudurka, lana fasaxay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com