DFS oo soo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay in uu kasoo goostay Al-Shabaab

DFS oo soo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay in uu kasoo goostay Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay Maanta kusoo bandhigtay Sarkaal ay sheegtay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Aaga degmadaasi Qoryooleey, kaas oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkaan kasoo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa degmada Qoryooleey kusoo dhaweeyay kusoo dhaweeyay taliyaha Ciidamadda Madaniga ah ee degmada qoryooley Col- Cali Waal iyo Taliyaha Ciidamadda AMISOM.

Taliyaha Ciidamadda degmada Qoryooley Korneyl Cali Waaal ayaa ugu baaqay dhalinyaradda hadda ku jirta Al-Shabaab ee ka barbar dagaalama in ay isa soo dhiibaan si aysan u dhibateen dadkooda iyo dalkooda loona fudinaayo cafis.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in amniga ee Degmada Qoryooley uu yahay mid wanaagsan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa degaannada ay maamulaan waxaa ay siyaabo kala duwan ugu soo bandhigaan Saraakiil iyo Ciidamo uu midba midka kale sheego in uu isku soo dhiibay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com