DFS oo ciidamo cusub geysay gobalka Gedo

HomeWararka

DFS oo ciidamo cusub geysay gobalka Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo horleh geysay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay inay kamid noqon doonaan Ciidamada ilaalinaya Amni

Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Jubbaland?
Saaka & Dunida iyo cFataax Cumar Geeddi (Dhegayso)
Ilhan Cumar oo ku guulaysatay Congress-ka Maraykanka

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo horleh geysay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay inay kamid noqon doonaan Ciidamada ilaalinaya Amniga xaduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada oo ka tirsan Guutada 17aad Ee Kumandooska Gorgor ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dollow, waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin degaananda xadbeenaadka ah ee degmooyinka, Gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo & Ceelwaaq.

Garoonka Diyaaradaha diyaaradaha degmada doolow waxaa Ciidamadan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Qaranka ee Degmada Doolow Cabdulaahi Cumar Cilmi & Xubno kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo horleh ku kordhisay Ciidamada jooga dhinaca Xaduudka ee u dhaxeeya Beled-Xaawo & Mandheera, kadib digniin & hanjabaad ka timid dowladda Kenya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: