Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Jubbaland?

Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Jubbaland?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Maanta oo Isniin ah shir gudoomiyay shirka golaha amniga heer Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayay xaaladahii u danbeeyay ee dhinaca amniga gaar ahaan sugida amniga Doorashooyinka iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan.

Shirkaan oo bil walba la qabto ayaa waxaa goobkoog ka ahaa Saraakiisha Ciidamada Jubbaland., AMISOM, iyo Saraakiil kale, kuwaas oo Madaxweynaha Jubbaland warbixin ka siiyau xaaladaha Amni ee degaannada Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedk Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa faray dhamaan saraakiisha Ciidamada ee kulanka ka qeyb galay in ay dardar geliyaan sugida Amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com