DFS iyo Bangiga Aduunka oo Ku shiray Nairobi (Sawiro)

HomeWararka

DFS iyo Bangiga Aduunka oo Ku shiray Nairobi (Sawiro)

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mu

Madaxweynaha Dalka Zimbabwe oo Qarax ka badbaaday
LAASCANOOD: Wararkii Ugu dambeyeey ee Xaaladda Magaaladda Laascaanood iyo Madaafic lagu garaacay
Qarax degaanka Laamu ee dalka kenya ka dhacay

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijka qaran ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqonaya sameynta kaarar aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.

“Dowladda Soomaaliya waxay si dardar leh ugu howlantahay hirgelinta dhismaha nidaam u qaabeysan fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga”, ayuu yiri Dr. Nuur Diiriye Xirsi. “Si la mid ah taabbogelinta horumarkaas, waxaan u baahannahay inaan hubinno in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada muhiimka ah oo ay ku jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan yahay wax ka qabashada aragtiyada caalamiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal dambiyeedka”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: