Qarax degaanka Laamu ee dalka kenya ka dhacay

Qarax degaanka Laamu ee dalka kenya ka dhacay

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay 3 qof si xun ugu dhaawacmeen qaraxaasi, kadib, markii ay miino la kacday Gaari Xamuul oo ay la socdeen.

Agaasimaha Hawlgalka Dhulka Kaymaha ee Boni, Joseph Kanyiri waxa uu ku eedeeyey inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka dambeeyeen qaraxaasi oo ka dhacay meel ku dhow Degmadda Sankuri.

waxa uu intaasi ku daray in dadka ku dhaawacmay qaraxaasi kala ahaayeen 2 Dareewal iyo Kirishboy, kuwaasi oo shixnad xamuul ah oo ay ka soo qaadeen Degmadda Kiunga u waday Degmadda kale ee Hindi oo ka tirsan Gobalka Laamu.

Dhinaca kale, Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay dileen Nin ilaalo ka ahaa Kaalin Shidaal oo ku yaalla magaalladda Manderea ee W/bari ee dalkaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com