Dowladda Federaalka & Maamul gobaleedyada oo Heshiis Wadda gaaray (dhegayso)

Shirkan oo saacada badan qaatay ayay wasiiradda Amniga ee dowlad goboleedyada iyo wasaaradda amniga ee dowladda federaalka waxa ay dood dheer ugu yeesheen dhismaha ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka.

Shirka waxa gudoominiayay wasiir ku xigeenka amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Saciid waxaana ka qeyb galay wasiirada amniga dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hisrahbeelle, Koofur galbeed iyo jubbaland waxa kale oo joogay xubin matalaysay gobolka Benaadir iyo saraakiil qubaro ku ah amniga xeebaha.

Dood dheer kadib waxa ay wasiirada amniga isku raaceen hashiis is afgarad ah oo lagu dhisayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka waxaa war murtiyeedka warbaahinta u aqriyay Wasiir ku xigeenka amniga dowladda Federaalka Mudane cabdinaasir Saciid.

” dood dheer kadib waxaan isku raacnay 1 Dhisida ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo ka kooban heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo ah booliis 2 waxaan isla garanay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dajinta siyaasadda, qorshaha dhismaha ciidanka iyo hormaruntooda 3 waxan isla garanay in loo baahan yahay quburo la taliyayaal dhinaca badda 4 masaafada iyo baaxadda ay ka howlgalayaan ciidanka labada heer ah waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Qaranka” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa sheegay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha inuu ku yimid wada tashi iyo wadajir.

Wasiiro dowlaha amniga Gudaha Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Amniga Mudane Maxamuud Maxamed Bono waxa uu tilmaamay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha eek u yimid wadatashiga uu muujinayo basil mudan yahayna in lagu daydo.

Dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha dalka ayaa muhiim u ah la dagaalanka kaluumaysiga sharci darada sunta lagu soo daadiyo xeebaha dalka iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan kaaluumaysatada Soomaaliyeed.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com