HomeUncategorized

Degmada Buurtilne oo maanta loo magacaabay maamul cusub

Buurtinle 05,March,2013 Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle ayaa maanta Liibaan Xirsi Khaliif u doortay gudoomiyaha degmada Burtinle.

2 qof oo rayad ah oo goor dhawayd lagu dilay Galkacyo & dableyda gaystay dilalka oo lagu raad joogo.
Warbixin lasoo saaray oo muujineysa in Somalia ay kaalinta koowaad kaga jirto argagaxisada, halka dalka Koonfurta Sudaan-na ay gashay kaalinta shanaad.
Maamulka iyo shacabka Mudug oo ka tashanaya kaalintii ay banaysay MSF ee Cisbitalka Galkacayo

Buurtinle 05,March,2013 Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burtinle ayaa maanta Liibaan Xirsi Khaliif??u doortay gudoomiyaha degmada Burtinle.

Doorashada gudoomiyaha degmada Burtinle waxaa ka qeyb galay wasiirka arimaha??gudaha Puntland C/laahi Axmed Jaamac (Ilkojiir) iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab.

11 kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka Burtinle ayaa codkooda siiyay gudoomiyaha cusub ee Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif . Waxaana??xilkaasi??kula tartmayay Xuseen Guuleed Xanaf oo helay??codka??10 mudane.

Tirada guud ee golaha deegaanka Burtinle oo ah 23 mudane waxaa goobta doorashada maqnaa labo mudane mana jirin cid ka aamustay doorashadaasi.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali Qarjab oo doorashada kadib la hadlay xildhibaanada golaha deegaanka Burtinle ayaa ugu baaqey inay dhexdooda ka saaraan muranada iyo isqab qabsiga ay ku kala qeybsamaan dhexdooda.

Waxaa gudoomiyuhu ku dhaliilay golayaasha deegaanka Burtinle??isku dhiiri galin la?aanta??in la qaado canshuuraha lagu hormarinayo??degmadooda.

Wasiirka arimaha??gudaha Puntland C/Laahi Jaamac Axmed {Ilkojiir} ayaa sheegay in wax laga qabanayo codsiyo golaha deegaanku usoo bandhigeen wasaaraadda arimaha gudaha Puntland.

Daljir Buurtilne

Cabdi Axmed Diiriye (Farateeb)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: