Degdeg: Baarlamaanka Puntland ayaa waxka bedel ku sameeyey Dastuurka iyadoo  xabadi ka socoto Garoowe.

HomeWararka

Degdeg: Baarlamaanka Puntland ayaa waxka bedel ku sameeyey Dastuurka iyadoo xabadi ka socoto Garoowe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka ayaa u qoraa sidan. Garoowe: June 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdir

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay kulan baroor diiq ah oo Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiye Yariisow
Xulashada Daljir & Axmed Sheekeeye, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay xaaladda Muqdisho & dhiiladda ka cusub

Warsaxaafadeed kasoo baxay baarlamaanka ayaa u qoraa sidan.

Garoowe: June 20, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.

Fadhiga waxaa goobjoog ka ahaa 35 Mudane

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 34 mudane, Diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: