Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay xaaladda Muqdisho & dhiiladda ka cusub

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay xaaladda Muqdisho & dhiiladda ka cusub

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo goor dhow ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dowladda ay isku dayday i

Muqdisho: Midowga Musharaxaiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku kulmaya Garoonka Aadan Cadde, Waa maxay qodobada miiska saaran? (Akhriso)
Somaaliya oo Golaha Amaanka u Gudbisay Dacwad kadhan ah UAE
Arday gaaraysa 149 oo ka qalin Jabiyaay Jaamacada Badda Cas Boosaaso (dhegayso/Sawiro)

Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo goor dhow ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dowladda ay isku dayday in ay ka baaqsato in lagu dhex dagaallamo shacabka, isagoo ciidanka muddo kororsiga diidanna ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan barakicinta shacabka qeybo ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto kuwa uu sheegay in ay yihiin malleeshiyaad oo dhiirogelinaya argagixisada, isla markaana ciidanka amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho.

”Dowaladu ciidanka ay heyso masuuliyadeeda waa ku filantahay inay magaalada gacan ku qabto inaan dhibaato dhicin ayaa gacmaha loo laabtay iyadoo Ramadaan ay tahay lkn waxaa hada soo badanaya falal muujinaya in loo bahanyahay in laga hortago “ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga isla markaana aysan ogolaan nabadii ay dhibka badan lagu dhaliyey in ay si fudud ku lunto.

Hadalkan Wasiirka ayaa ku soo aaday, iyadoo saacadihii la soo dhaafay si aad looga barakacayey degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan, kaddib markii ciidanka ka soo horjeeda kuwa dowladda ay farriisimo hor leh ka sameysteen goobahaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: