Muqdisho: Midowga Musharaxaiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku kulmaya Garoonka Aadan Cadde, Waa maxay qodobada miiska saaran? (Akhriso)

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubnaha midowga Musharaxiinta ayaa maanta umadalsan in ay kulan ku yeeshaan Hotel-kuyaala Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade.

Ergada waan waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa hordhigay Ra’iisul Wasaaraha saddex qodob oo kala ahaa:-

1- in la cambaareeyo, raalli gelina laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo
2- in bannaan baxa la ogolaado oo ay Musharaxiintu aysan lakulmin wax caqabad ah, ama caburin ah.
3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta, oo ay yimaadaan miiska go’aan gaarista.

Dhinaca kale Wararka ay Daljir helayso ayaa sheegaya in saddexda qodob labo ka mid ah uu aqbalay Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo aan qodobka kale la isku afgaran oo la sheegay inuu yahay mid ku xiran Madaxweynaha, waxaana qodobka uu yahay kan saddexaad ee ah dalabka Musharaxiinta inay qeyb ka noqdaan Shirka Wadatashiga Qaran.

Kulan ay shalay garwaeen ka ahayeen Sanater Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa isfahan waa ku soo dhamaaday, kadib markii ay wax ka dhaqaaqi waayeen dhanka madaxtooyada.

Arintan ayaa hadii ay suurta gasho waxay dejin kartaa xiisada maalmaha ka jirtay magaalada, iyadoo cabsi badan jirtay oo ahaa in gacan ka hadal uu dhaco.

Xaalada siyaasdeed ee ku qotonta doosrashada dalka ayaa ahayd maalmihii udambeeyay mid cakiran? lamana hoga xiliga iyo nooca doorsho ee dalka ka dhici doonta inkastoo dowladdu ay ku adkeysanayo heshiiskii 17 Sebtember.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, Maalinta beri ah taariikhduna ay ku beegantahay 26 Febraayo, suuta gal ma noqon doontaa in dibadbaxaasi uu dhaco, kaas oo ay howray dowladdu udiiiday?

Xasan Heykal, Daljir Garowe.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com