Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay kulan baroor diiq ah oo Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiye Yariisow

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay kulan baroor diiq ah oo Muqdisho  loogu sameeyay Guddoomiye Yariisow

Isku soo bax balaaran oo loogu duceenayay Guddoomiyhii hore ee Gobolka banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa maanta oo jimce ah waxaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Ex Koonis ee degmada C/casiis.

Madaxweynaha soomaaliya Maxame Cabdilaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaarihiisa, Guddoomiyaha Aqalka Sare mas’uuliyiinta gobolka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil Ciidan iyo Shacab badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaarae Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay ducadii marxuum Yariisoow, waxa uu ku sifeeyay Duqii Muqdisho mid waqtigiisa ugu badan galiyay sidii uu qarankiisa ugu adeegi lahaa, wuxuuna goobta ka sheegay dardaarankiisii ahaa in Alle looga Mahad Celiyo in wadanka uu hormar ku tallaabsanayo.

Mr Kheyre waxa uu shaqaalaha gobolka faray iney laba laabaan shaqadooda, si ay ula mid noqdaan marxuumka geeriyooday oo ahaa qof dadaal iyo samir badan, sida uu yiri.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa isaguna codkiisa ku biiriyay ducada Guddoomiyihii gobolka Banaadir, wuxuuna sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajjeeyay xubnaha kale ee weerarkaas ku dhaawacantay ee dalka Qatar lagu dabiibayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo munaasbaada Ducada eheyd soo xiray ayaa sheegay in marxuum Yariisoow uu ahaa qof Qarankiisa u shaqeeya, balse ay jiraan dad Qaranka ka shaqeysta, isgaoo carabka ku dhuftay in marxuum Yariisoow u adeegida bulshada soo bilaabay isagoo xil weyn heyn.

Waxa uu balan qaaday iney la soconayaan nolosha dhamaan qoysaskii ay ka tageen xubnihii ku geeriyooday ismiidaamintii ka dhacday aqalka dowladda Hoose, geesinimo iyo dhiiranaan laga qaadi doono weerarkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garoonka Banaadir Stadium loogu magac daray Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow), sababtaasna ay tahay maadaama uu naftiisa u huray Qarankiisa.

Weerarka lagu dilay Yariisoow waxaa sidoo kale ku naf waayay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka C/casiis, Shingaani iyo Waaberi, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/llaahi Dheere, Abuukaate Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa La-taliyihii Yariisoow, Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye iyo Maxamed Cabdalla Caaqil oo ahaa Agaasimaha xafiiska xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Sawiro.



FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com