Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka jirto xiisad dagaal

Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay ka jirto xiisad dagaal

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad udhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed oo wada dega Gobolka Galgaduud ay ka taagan tahay degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee Galgaduud.

Shalay degaankaas waxaa ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed, waxaana dagaalkaas ku dhintay Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan maleeshiyaadka dagaalamay.

Dadka degaanka Turbi ayaa waxaa ay sheegeen inay saaka dareemayaan xiisad dagaal maadaama ay weli degaankaas isku hor-fadhiyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

laamaha Amniga ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Turbi, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo loo diro Ciidamo kala dhexgala beelaha ay colaada u dhaxayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com