CPJ oo Sheegtay In Tirada Saxafiyiinta Sanadkan la Xirey ay Gaartay Heerkii ugu Sareysay Abid

HomeWararka

CPJ oo Sheegtay In Tirada Saxafiyiinta Sanadkan la Xirey ay Gaartay Heerkii ugu Sareysay Abid

Warbixin ay soo saartay Hay’adda CPJ ayaa lagu sheegay in tirada saxafiyiinta xabsiyada ku xiran ay gaartay heerkii ugu sareysay caalamka sanadkan 202

Madaxweyne Qoor Qoor oo ugu baaqay Baarlamaanka Galmudug inay ka qeyb qaataan la dagaalanka Al-Shabaab
Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman
Siyaad Cali Jaamac iyo buuggiisa “20 Sano iyo Sooyaalkii Puntland” (wareysi/dhegayso)

Warbixin ay soo saartay Hay’adda CPJ ayaa lagu sheegay in tirada saxafiyiinta xabsiyada ku xiran ay gaartay heerkii ugu sareysay caalamka sanadkan 2021.

CPJ ayaa daabacday in tirada saxafiyiinta la xirey sanadkan ay gaartay 293 weriye caalamka oo dhan marka la xisaabiyay 1-dii December ee sanadkan.

Ugu yaraan 24 saxafi ayaa la dilay sababo la xiriira tabintooda, 18 kalena waxa ay ku dhinteen xaalado aad u adag in la go’aamiyo in loo beegsaday sababo la xiriira shaqadooda, ayay CPJ ku sheegtay sahan sanadeedkeeda xorriyadda saxaafadda iyo weerarada ka dhanka ah warbaahinta.

In kasta oo sababaha xariga saxafiyiinta ay ku kala duwan yihiin wadamada, tirada rikooradu waxay ka tarjumaysaa kacdoonada siyaasadeed ee aduunka iyo dulqaad la’aanta sii kordheysa.

“Tani waa sannadkii lixaad oo xiriir ah oo CPJ ay diiwaangelisay tiradii ugu badneyd ee saxafiyiinta lagu xiro caalamka,” ayuu agaasimaha fulinta ee CPJ Joel Simon ku yiri hadal uu soo saaray.

“Tiradu waxay ka tarjumaysaa laba caqabadood oo aan kala sooc lahayn – dawladuhu waxay go’aansadeen inay xakameeyaan oo ay maareeyaan macluumaadka, waxayna sii kordhayaan geesinimada dadaalkooda si ay sidaas u sameeyaan.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: