HomeUncategorized

Dawladda Soomaaliya oo 160 askari Dhuusomarreeb uga furmay tababar muddo 7 cisho ah markii ugu horaysay.

Dhuusomarreeb, Janu, 19 - Boolis ay tiradiisu gaareyso 160 askari ayaa maanta wuxuu tababar uga furmay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Laki Man.
Wadahadaladii u socday Puntland & dawlada Somaliya oo u muuqda in heshiis laga gaaray. [Akhris …]
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Dhuusomarreeb, Janu, 19 – Boolis ay tiradiisu gaareyso 160 askari ayaa maanta wuxuu tababar uga furmay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud Saadaq Sheekh Yuusuf oo ka hadlay xaflad lagu furayay tababarka ayaa warbaahinta u sheegay in uu yahay tababarkii? ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka Galgaduud? wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in uu socon doono muddo toddobo cisho ah.

Saadaq ayaa xaqiijiyay in ciidanka booliska ee tababarka uu u furmay ay dowladda Soomaaliya u ballan-qaaday mushaar iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin ciidamada.

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Yuusuf Maxamed Xeefow oo isna furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in markii ugu horreysay ay dowladdu ciidamo tababar uga furto Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay booliska gobolka uu tababarka u furmay in uu si wanaagsan u guto waajibaadka ciidan ee saaran, isla markaana uu dib u soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta.

Ciidamada uu tababarka u furmay ayaa waxaa laga soo xulay dhammaan degmooyinka gobolka Galgaduud, waxaana markii ay dhameystaan tababarka ay ka howlgeli doonaan Dhuusamareeb sida ay Daljir u xaqiijiyeen maamulka degmadu.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: