HomeUncategorized

Dawladda PL oo si weyn oga digtay Lacag faalsaa oo ku dhex milantay lacagtii caadigaa ahayd, shacabkana ugu baaqday inay ka feejignaadaan.

Gaalkacyo, Nov, 11- Waxaa bilihii ugu danbeeyay deegaanada Puntland si weyn ugu soo badanayay Lacag faalsaa taasoo sida ay dawladdu sheegtay lagu soo farsameeyay gobolada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana dhawr mar oo kala duwan bangiga iyo laamo kale oo maamul ay ku guulaysteen qabashadeeda ayna gubeen.

DDS: Xafiiska Madaxweynaha oo magacaabay guddoomiye yaasha maamulka gobolada
Baahin: Sabti, Sept 03, Weriye Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Waraysi & Warbixin: dagaalka Galkacyo & khasaaraha bulsheed ee uu gaystay; Issimada Puntland oo ku baaqay in la joojiyo colaada Galkacyo; Waftiga Puntland uga qayb galaya shirka wadatashiga Somalida oo gaaray Muqdisho.
DHEGEYSO-Khudbadihii laga jeediyey aaskii loo sameeyey madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse.

Gaalkacyo, Nov, 11- Waxaa bilihii ugu danbeeyay deegaanada Puntland si weyn ugu soo badanayay Lacag faalsaa taasoo sida ay dawladdu sheegtay lagu soo farsameeyay gobolada dhexe ee Soomaaliya, isla markaana dhawr mar oo kala duwan bangiga iyo laamo kale oo maamul ay ku guulaysteen qabashadeeda ayna gubeen.


Waraysi uu siiyay maanta oo Axada? radio daljir maamulaha Ban-giga dawladda PL ee gobolka Mudug C/laahi Barre ayaa dhamaan qaybaha maamulka iyo saraakiisha laamaha amniga wuxuu ugu baaqay inay il gooniya ku hayaan lacagtaasi faalsadaa oo si weyn ugu dhex jirta deegaanada Puntland gaar ahaan Gaalkacyo, dhanka kale maamuluhu wuxuu shacabka gaara ahaan sariflayaasha wuxuu codsi ahaan ugu diray inay xisaabtamaan oo u istaagaan sidii ay u joojin lahaayeen xawliga ay ku socoto isticmaalka lacagtaasi, oo uu sheegay in dhaq-dhaqaaqeeda ay fududeeyeen bulshada qayb ka mida oo uu ka xusay sariflayaasha iyo ganacsatada.


Deegaanada Puntland oo dhan suuqyadooda ayaa si weyn looga dareemayaa isticmaalka iyo dhaq-dhaqaaqyada lacagtan faalsadaa, waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhashaan saamayn dhaqaale.


Hadalka maamulaha Bangiga ayaa ku soo aadaya xili shalay Garoowe lagu soo bandhigay lacag faalsaa oo dhawaan lagu qabtay kantaroolka galbeed ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.


Galkacyo.


Diiwaanka Wararka daljir


(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: