Dad lagu soo qabtay falal amni darro iyo anshax xumo oo lagu maxkmadeeyay Bosaso

Bosaso, Nov 11 – Maxkamadda gobolka Bari ayaa maanta xukumo kalle duwan ku riday dad loo soo qabqabtay inay ka ganacsanayeen maandooriyeyaal iyo kuwa kalle oo lagu soo qabtay khalkhal galin xagga amaanka ah.

Eedaysanayaasha maxkamadda la horkeenay ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, waxaana lasoo bandhigay qaar ka mid ah waxyaabaha lagu soo eedayay sida khamri lagu soo qabtay iyo bastoolado.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad Sheekh Aadan Cabdi Axmed ayaa markii uu dhagaystay eedaynta xeer ilaalinta kadib ku dhawaaqay xukumada eedaysanayaasha.

Waxaa uu sheegay lix ka mid ah eedaysanayaasha loo soo qabtay ka ganacsiga khamriga in lagu xukumay muddo sadex? sano oo xarig ah iyo ganaax midkiiba shan boqol oo doolar ah.

Maxkamadda ayaa dhanka kalle laba sano oo xarig ah ku riday midkiiba laba qof oo dhalinyaro ah oo lasoo qabtay xilli ay faraha kula jireen falal amaan darro gaar ahaan dhaca taleefanada gacanta Iwm.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii maxkamadda Bosaso ay xukun dil ah ku riday nin gacan ku dhiigle ah oo dilay qof rayid ah oo ay guri kuwada noolaayeen kadib markii ay murmeen.

\"\"

\"\"

Maxamed Madani

Radio Daljir Bosaso.

?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com