HomeUncategorized

Dawladda hoose ee Galkacyo oo wadda qorshe lagu dayactirayo laamiga dhex mara magaalada.

Galkacyo, Feb 03 ? Maamulka dawladda hoose ee magaalada Galkacyo ayaa saaka bilaabay tallaabooyin lagu dayactirayo waddada laamiga ah ee dhaxmarta ma

AMISOM iyo Dowladda Federaalka oo xalinaya dagaal u dhexeeya beelay degan gobolka Hiiraan
Baahin: Sabti, May 05, C/risaaq C. Silfar ~ Daljir ~ Galkacyo. Madax dhaqameedka Somalida oo shir uga furmay Muqdisho; Suldaan Siciid M. Garaase ayaan ka waraysanay; Wasiir u dawlaha arrimaha federaalka ee TFG-da ayaan isna ka waraysanay; Wasiirka maaliyada ee Galmudug oo laga afduubay agagaarka Number 4, Muqdisho, lase sii daayey; Dilka weriye Farxaan J. Cabdille oo aan weli cidna loo qaban.
Qanyare oo sharci daro ku tilmaamay wadahadalada u socda Puntland & dawalada Somaliya. [Dhegaysi …]

Galkacyo, Feb 03 ? Maamulka dawladda hoose ee magaalada Galkacyo ayaa saaka bilaabay tallaabooyin lagu dayactirayo waddada laamiga ah ee dhaxmarta magaalada Galkacyo, taasi oo meelo badan ka burbursan.

Maamulku waxay ku dhaqaaqeen qorshe lagu buuxbuuxnayo meelaha laamigu ka burburay, gaar ahaan hareeraha laamiga oo si xooggan u jajaban, waxaana lagu buuxinayey ciid-guduud ay magaalada ku soo daabulayeen gaadiidka iska rogooyinka ah, taas oo shaqaalaha dawladda hoosena ay ku fudinayeen laamiga hareerihiisa.

Maamulka dawladda hoose ee Galkacyo oo ay idaacadda Daljir wax ka weydiisay ciid-gaduuda la dhigay laamiga iyo hareerihiisa gaar ahaan meelaha jajabku ka jiro, ayaa sheegay qorshahaani in uu yahay mid dhawr nooc looga golleeyahay.

Midka ugu horreeya waxaa maamulku ku micneeyey buuxinta meelaha laamigu ka jajabay iyo hareerihiisa oo marka gaadiidku u degtaan ay boor iyo siigo badan kiciyaan iyo sidoo kale kor u qaadidka bilicda magaalada iyadoo meelaha ciidda lagu shubay ay sahlan tahay sidii dhirayn loogu samayn lahaa.

Horay maamulka dawladda hoose waxay u wadeen hawlgallo ku saabsanaa bannaynta waddooyinka iyo sare u qaadidka bilicda magaalada, waxaana tani ay qayb ka tahay qorshayaal la doonayo in laga hirgaliyo dhammaanba magaalooyinka Puntland taas oo ah sare u qaadidda bilic wanaagga magaalooyin iyadoo si rasmi ahna loo dhirayn doono waddooyinka iyo hareeraha laamiyada.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: