HomeUncategorized

Dawladda federaalka oo wadda qorshe dib-u-dejin iyo deegaamayn loogu samaynayo dadka soo barakacay.

Caption ...

Wasiir Gaashaan oo ugu baaqay Somaliland in ay joojiso jajuubka shacabka.
20 Somali tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha dalka Yeman. [Akhris …]
Shaqo Joojinta Macalimiinta Kenya oo Gashay Asbuucii Labaad

Muqdisho, July 12 – Dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo wax loogu qabanayo dadka ku soo barakacay abaaraha xooggan ee ka jira deegaanno badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida taasoo sal-kicisay kumanaan qoys.

Maanta ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho looga bilaabay qorshaha wax-qabad ee ku saabsan taakulaynta dadka ku tabaaloobay abaaraha Soomaaliya, waxaana uu iskugu jira qorshaha cusub ee ay dawladdu waddo quudin, dib-uidejin iyo siin deegaanno ay ku hooydaan dadka ku barakacay abaarta ee soo miciin-biday magaalada Muqdisho.

Tallaabadaan ayaa ka timid kaddib markii maalintii shalay ahayd R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ uu kormeer ku tagay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen dadka ku barakacay abaarta, sifo uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dadkaasi.

Kormeerkaasi kaddib R/wasaaruhu waxaa uu amray in si deg deg ah dadkaasi loogu sameeyo gabaad iyo guryo ay ku noolaadaan, qorshahaasi oo ay iska kaashanayaan dawladda, hay’adaha samafalka iyo ururrada maxalliga ah.

R/wasaaruhu, waxaa uu dhinaca kale maalqabeennada Soomaaliya iyo ganacsatada u soo jeediyey in ay qayb weyn ka ciyaaraan dadaallada loogu kaalmaynayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: