HomeUncategorized

Dawlada Puntland oo goobo u cayimaysa dadkii ay hawgaladu saameeyeen.

Galkacyo, Mar 12 - Waxaa wali ka soconaya magaalada Galkacyo hawgallo amni iyo biliceed ee magaalada Galkacyo.

DHEGEYSO-Warbixin kahadlaysa dilalka weriyayaasha Soomaaliyeed.
(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir
Mudahaaraado looga caraysan yahay qaraxii xalay ee Boosaaso & dawladda oo dadka u soo jeedisay in ay is-dajiyaan.

Galkacyo, Mar 12 – Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Wali waxaa ka soconaya hawgalada ku salaysan adkaynta nabadgalyada iyo kuwa bilicda magaalada lagu hagaajinayo.

Hawgalada ugu badan ee maanta waxay ka socdaan wadada saxarlada iyo agagaarka xarunta Gobalka mudug gaar ahaana wajahada hore ee xaruntii Gudoonka waxbarashada waxaana hawgaladan lagu burburiyay Sandaqado, Kabaro iyo Balbalooyin aad ugu dhawaa wadada laamiga ah dhabarkana ku hayay xeryaha Dawlada.

Hawgaladan lagu hagaajinayo bilicda magaalada waxaa barbar soconaya kuwo ku salaysan adkaynta Nabadgalyada waxaana hawgaladii ugu dambeeyay ay Ciidamadu ku so qabteen dad farabadan, Gawaari iyo Khamri iyaduna aad u farabadan oo Ciidamadu ay gacanbta ku soo dhigeen xilli magaalada si dhuumaalaysi ah loogu iibinayay qaarna lagu qabtay gawaari ay ku rarnayd.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse oo Idaacada Daljir uga waramay hawgaladan socda ayaa tilmaamay in ay gabogabo ku dhawyihiin Hawgaldii Todobaadyan ee Xerada Dayax iyo wada Airportka oo ay Dawladu ka burburisay Dhismayaal oo farabadan oo u badnaa kuwo lagu ganacsado.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale carabaabay in jiraan Xeryaha dawlada qaarkood oo ay ugu talagaleen in ay dajiyaan ganacsatadii laga burburiyay goobahoodii ganacsiga wuxuuna bulshada ku booriyay in danta guud laga hormariyo danta gaarka ah si loo gaaro horumarka la tiigsanayo.

Inkastoo ay jiraan cabashooyin aan badnayn oo ku salaysan burburinta goobaha ganacsiga ayaa hadana bulshada Magaaladan Gaalkacyo waxay dhanka kale muujinayaan Dadaalada ay ku doonayaan hawgalaani in ay sii socdaan waxadna goobaha hawgaladu ay ka socdaan ku arkaysaa dadweyne qaybata ugu badan ka qaadanaya taabagalinta Hawladan.

Isku soo wada duuboo hawladani waxay meesha ka saarayaan fikradii tilmaamaysay in dawlada Puntland ay ka gaabisay wax ka qabashadii arrimaha amniga iyo horumarinta Gaalkacyo.

Adam Shardi Axmed,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: