HomeUncategorized

Qoyskii u afduubnaa burcad-badeedda oo loola dhaqaaqay dhinaca Xaafuun.

Bender Bayla, Mar 13 - Duqa degmada Bender Bayla ayaa sheegay in burcad-badeeddii dadka u dhashay Denmark ku haystay xeebaha degaanka ay halkaas isaga baxeen, una dhaqaaqeen dhinaca Xaafuun.

Golaha Qurbajoogta Puntland oo war saxaafadeed ka soo saaray eedihii Donald Payne.
Midowga Afrika oo kulan ka yeelanaya Amni darrada Qaaradda Afrika
Axmed Baasto ?Boolis ayaa ka hortegaya dilalka Aanada ku salaysan ee reer miyiga Galmudug?

Bender Bayla, Mar 13 – Duqa degmada Benderbayla ayaa sheegay in burcad-badeeddii dadka u dhashay Denmark ku haystay xeebaha degaanka ay halkaas isaga baxeen kadib markii ay culays kala kulmeen ciidamada ammaanka ee degmada. Saciid Adam Cali oo waraysi siiyay Radio Daljir waxa uu intaa ku daray in burcaddu u dhaqaaqeen dhinaca degmada Xaafuun, haddii ay dib ugu soo noqdaan degmadiisana uu awood buuxda u isticmaali doono in uu hor istaago.

Siciid Anteno waxa uu sheegay in ay dagmadu leedahay ciidan tabarucayaal ah oo u carbisan kana shaqeeya ilaalinta xeebaha iyo la dagaallanka burcad-badeedda, kuwaas oo gacan ka hela dadka ku nool xeebaha.

Biloowgii bishan ayay burcad-badeed waxa ay degaanka Hul ee degmada Bandar-bayla keeneen todoba qof oo u dhashay dalka Denmark kadib markii ay ka soo afduubeen gacanka cadmeed. Lama yaqaan waxa ay ku sugan yihiin dadka la qafaashay inkasta o ay dawladda Denmark horay u sheegtay in ay xiriir la sameeyeen burcad-badeedda kana warhayaan xaaladda muwaadiniintooda.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Boosaaso

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: