HomeUncategorized

Dastuurka dawladda federaalka oo cod-aqlabiyad ah lagu ansixiyey.

Muqdisho, Aug 01 - Waxaa goordhaweyd si rasmi ah u meelmaray dastuurkii dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, kaddib markii maanta ergooyinka ansixintu u codeeyeen.

Haweeney masiixiyad Somali ah oo lagu dilay Gaalkacyo.
Baarlamaanka Puntland oo taageeray Dastuurka cusub ee Jubbaland.(Dhegayso)
Qaramada midoobey oo war kasoo saartay dagaalada Galkacyo.

Muqdisho, Aug 01 – Waxaa goordhaweyd si rasmi ah u meelmaray dastuurkii dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, kaddib markii maanta ergooyinka ansixinta ee shirku uga socday Muqdisho ay u codeeyeen.

Dastuurka ayaa helay codka 621 xubnood oo ka mid ah ergooyinki Soomaaliyeed ee loo soo xulay in ay ansixinta dastuurka Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ahaa 645 xubnood oo maanta xaadir ku ahaa madasha lagu ansixinayey dastuurka.

13 xubnood oo ka mid ahaa ergooyinka ayaa diiday, kana horyidka meelmarka dasturka, 11 xubood ay ka aamuseen oo aysan wax cod ah dhiiban, sidaasina waxaa shaaciyey guddigii natiijooyinka ee qaybta ka soo xulidda ergooyinka, una? oo u xilsaarnaa arrinkaasi.

Madaxda dawladda ayaa ka qaybgalay kulanka maanta lagu ansixinayey dastuurka gaar ahaan R/wasaare Gaas iyo kuxigeennadii, inkastoo uu goobta tageen ansixintiisa kaddib, waxaana uu sheegay tallaabo muhiim ah maanta in horay loo qaaday, lana gaaray yoolkii ugu miisaan cuslaa himilooyinkii la higsanayey.

R/wasaaruhu, waxaa uu si aad a ugu mahadceliyey ergooyinka ansixinta dastuurka, issimada iyo dhammaan dhinacyadii kala duwanayd ee ka shaqaynay dhiraan-dhirinta dastuurka, kaalintana ku lahayd in uu heerkaan soo gaaro.

Md. Gaas, waxaa uu maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga baxay marxaladdii KMG-nimada ee muddada dheer lagu soo dhaqayey dawladnimada Soomaalida.

Shirka maanta lagu ansixiyey dastuurka dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa muddo todobaad ah ka socday xarunta iskuulka boolisiya ee magaalada Muqdisho, waxaana maanta wixii ka horreeyey ergooyinku ay ku hawlanaayeen muraashaqayn iyo ka il-buuxsasho la xiriirta nuxurrada dastuurku uu xambaarsan yahay, iyagoo ugu dambayntii cod gacan taag ah ku ansixiyey maanta.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: